Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ugu Baaqay Odoyaasha ka Maqan Shirka Jowhar in ay ku Soo biiraan+Sawirro

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumada Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen odawaa ayaa ugu baaqay odoyaasha wali ka maqan shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe in ay soo gaaraan Magaalada Jowhar si ay ugu qeyb galaan shirka.

C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe kadib markii uu kasoo laabtay dalka Suudan ayaa sheegay in dowlada soomaliya ay ka go’an tahay sidii loo dardargalin lahaa wajiga Labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe ee ka furan Magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar waxaa haatan ku sugan odoyaal kala matalaya Labada Gobol iskastoo qaar kamid ah odoyaasha kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ay wali diidan yihiin ka qeyb galka shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.

Waa safarkii labaad oo muddo toddobaad gudahiisa ah uu ku  Tagayo magaalada Jowhar wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Odawaa oo  12-kii bishan  si rasmi ah u furay wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta labada gobol.

jowhar-3 jowhar-2 jowhar-1

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here