Madaxweynaha Puntland oo Gaarey Magaalada Bahar Daar ee dalka Ethiopia+Sawirro

0

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo gelinkii hore ee maanta  ka amba baxay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa gaadhey caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa waxaana uu kulan gaar ah la qaatay  Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawladda Ethiopia Dr. Tedros Adhanom waxaana ay kawada hadleen arrimaha nabad-gelyada ee Puntland iyo Ethiopia iyo guud ahaan xaaladda siyaasadda ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa markii uu kulankaasi dhammaaday waxaa uu u amba baxay magaalada Bahar Daar ee dalka Ethiopia halkaas oo maalinta berrito uu ka furmi doono shirka TANA FORUM ee diiradda lagu saari doono xaaladaha amni iyo dhaqaale ee Qaaradda Afrika.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb geli doona Madax badan oo ka kala imaan doonta waddamada qaaradda Afrika waana shir sannadle ah oo sannadkiiba mar lagu qabto magaalada Bahar Daar ee dalkaasi isla markaana lagu soo bandhigo isbedellada dhaqaale iyo nabad-gelyo ee kuyimi qaaradda, caqabadaha taagan iyo qorshayaasha cusub oo la doonayo in la gaadho sannadka soo socda.

Shirka aya sidoo kale waxaa si gaar ah loogu lafa guri doonaa xaaladda waddamada qaaradda Afrika kamidka  ah ee ay ka jiraan colaadaha dabada dheeraaday sida Soomaaliya oo ay Al-shabaab ku hayaan khal-khalka nabad gelya darro.

Waa sannadkii saddexaad ee shirka TANA FORUM lagu qabto magaalada Bahar Daar ee dalka Ethiopia, isla markaana waa sannadkii saddexaad ee uu ka qayb galo Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas isagoo casumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul-wasaaraha dalka Ethiopia.

Madaxweynaha  Puntland ayaa markii uu ka degey caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa waxa uu kulan gaar ah la qaatay  Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawladda Ethiopia Dr. Tedros Adhanom waxaana ay kawada hadleen arrimaha nabad-gelyada ee Puntland iyo Ethiopia iyo guud ahaan xaaladda siyaasadda ee Soomaaliya.

0edf7096-a498-47fd-97f3-7af192fc7694 002db42c-357c-4cc9-bee4-194f9f385950 6fab52de-046f-44a0-8c8f-0355417c90b9 025028dc-1320-4233-8623-04618281f2b6 aec885d7-09d9-446e-bc90-e76985a8e01a

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here