Maxamed Ibraahim Cabdullaahi oo ah Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Hiiraan oo la hadlay Radio Simba Muqdisho ayaa waxaa uu ugu horeyn faahfaahin ka bixiyey kulamo xariir ah oo waqtiyadii ugu dambeeyey dhax-maray masuuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya iyo waliba Odayaasha dhaqanka ee kasoo kala jeeda Beelihii ku dagaalamay duleedka Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Waxaa uu sheegay in kulamadu ay ahaayeen kuwa muddo qatay loogana hadlay arimo farabadan oo ku qotoma sidii xal looga gaari lahaa dagaallada u dhexeeya Maleeshiyo beeleedka ee ka dhacay duleedka Baladweyn.
Maxamed Ibraahim Waxaa hadalkiisa intaa raaciyey in kulanka lagasoo saaray qodobbo dhawr ah oo markaasi looga hortagaayo inuu sii socdo dagaal beeleedka.
“Waxaan isku afgaranay in aysan mar dambe dhicin dagaal iyo xiisad hor leh,waxaan u sheegnay odayaashii aan la shirnay in ay ka qeybqaataan fududeynta heshiisiinta dhinacyada dagaalamay” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Hiiraan.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in hadda si hor dhac ah loo kala qaaday maleeshiyadii is hor fadhiyey haddana la qorsheynayo in lasii kala qaado meelaha kale ee ay isku hor fadhiyaan.
Shalay Magaalada Baladweyn deegaan u jira 25-KM waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeya Maleeshiyo beeleedyo wada daga deegaanka uu dagaalku ka dhacay,waxaana wixii waqtigaa ka dambeeyey bilowday olole lagu qaboojinaayo xiisadda halkaa ka jirta oo ay wadeen Odayaasha,Waxgaradka iyo masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan.

