Faah-Faahin ku Saabsan Qaraxa Maanta ka Dhacay Degmada Afgooye

0

Inta la xaqiijiyay 3-qof ayaa dhimatay halka 10-kale ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax xoogan oo maanta ka dhacay suuqa xoolaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay miino ku aasneed suuqa halka warar kalana ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa bambo gacmeed lagu tuuray ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaliya  gaar ahaan kuwa casnhuurta oo ku sugnaa suuqa degmada afgooye.

Afarta ruux ee ku dhimatay qaraxaasi maanta ka dhacay degmada afgooye , ayaa ka tirsanaa Ciidamada Canshuuraha, iyadoo tobanka kale ee dhaawacantay ay u badan yihiin dadkii rayidka, ee ku sugnaa Suuqa Xoolaha Afgooye.

Ilaa Hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxa maanta ka dhacay suuqa xoolaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here