Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumada Fedraalka soomaliya C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa ayaa maanta Magaalada jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe waxa uu ka furey wajiga Labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.
Furitaanka wajiga Labaad ee shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe waxaa ka qeyb galay odoyaasha Labada Gobol kasoo jeeda iyo qaar kamid ah Golaha wasiirada Xukuumada soomaliya sida Wasiirka Amniga Qaranka,Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyradka Badda,Wasiirka Batroolka,Wasiiru Dowladaha Maaliyada,Wasiiru Dowlaha Arrimaha gudaha,Wasiiru dowlaha madaxtooyada,
Ugu horeyntii Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumada C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa ayaa sheegay in furitaanka wajiga Labaad ee shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha ay tahay guul weyn oo usoo hooyatay shacabka Labada Gobol iyo dowlada dhexe ee soomaliya.
Wasiir Odowaa ayaa xusay in Madaxweynaha maamulka labada gobol uu yeelanayo uu yahay mid doorasho ku imanayso,isagoo meesha ka saaray wararka sheegaya in dowlada ay wadato cid gaar ah oo ay Madaxweyne ka dhigeyso.
Sidoo kale waxaa munaasabada ka hadlay guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen iyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Hiiraan Shiikh Xuseen Cismaan Cali kuwaas oo Odayaasha ka dalbaday in ay ku jiheeyaan shirka wadadii Guusha.
Mudooyinkii dambe waxa uu Hakad ku jiray shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe waxaana ugu dambeyn maanta lagu guulestay furitaanta wajiga Labaad ee shirka.








