Cabdisalaam hadliye cumar wasiirka arrimaha dibada ee dowlada soomaaliya ayaa kulamo waxa uu la qaatay safiirka imaaratka u fadhiya soomaaliya Mohammed Ahmed Al Othman,.
Labada masuul oo kulan kooda uu ka dhacay gudaha safaaradda imaaratka ee soomaaliya ayaa waxa ay kawada hadleen sara u qaadida arrimaha maalgalinta soomaaliya uu ku sameysanayo dowlada imaaratka carabta.
Intii uu socday kulanka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday arrimaha gaarka ah ee xiriirka u dhaxeeya soomaaliya iyo imaaratka .
Gabagabada kulankaasi ayaa wasiirka arrimaha dibada ee soomaaliya cabdisalaam hadliye cumar uu kormeeray isbbitaalka imaaratka ay ku leeyihiin magaalada muqdisho ee Sheikh Zayed Hospital iyo xarumo kale oo dowlada imaaratka ay ka hirgalisay soomaaliya.
Al Othman safiirka imaaratka ee soomaaliya ayaa u mahad celiyey wasiirka arrimaha dibada ee soomaaliya cabdisalam hadliye cumar sida ay uga go’antahay xoojinta xiriirka imaaratka iyo soomaaliya ka dhaxeeyo.
Imaaratka caraBta ayaa ka midaa dowladaha taageera soomaaliya.
Source: EMIRATES NEWS AGENCY.

