WFP oo ah hay-ada cunada aduunka ee qaramada midoobe iyo UNICEF oo ah iyadana hay-ada caruurta ee qaramada midoobe ayaa deeq gargaar waxa ay gaar siiyeen deegaanada maamulada somaliland iyo puntland goobahaasi, oo ay ka jiraan abaaro aad u daran.
Steven Lauwerier oo ah wakiilka UNICEF ee soomaaliya ayaa sheegay xili uu warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi in kumanaan qoys iyo caruur soomaaliyeed oo kunool Somaliland iyo puntland ay gaarsiiyeen gargaar bini aadannim xili ay caruurtaasi iyo qoysaskoodaba u baahnaayeen deeqdaan gargaar.
Deeqdaan garggar ee ay labada hay-adood ee qaramada midoobe ugu deeqeen maamulada Somaliland iyo puntland ayaa iskugu jirta, Raashin, cunooyin ay ku jiraan nafaqooyin , daawooyin cafimaad iyo adeegyo kale.
Qaramada midoobe ayaa 31-kii bishii march ee sanadkaan dalbatay lacag dhan 105 million oo dollar oo wax looga qabanaayo abaaraha ka jira guud ahaan dalka soomaaliya.
Waa gargaarkii ugu horeeyey oo ay qaramada midoobe kaga jawaabeyso abaaraha ka jira dalka soomaaliya.
Maalaayiin ruux oo soomaaliyeed ayaa waxaa heysata abaaro lixaad leh oo saameysay dadka iyo duunyada.
SOURCE: STAR AFRICA.

