Faah-faahin ku Saabsan Qarax Maanta ka Dhacay Degmada Xamar Weyne.

0

Duhurnimadii maanta gaari waxyabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu qarxiyay maqaaxida Al Hindi oo kaabiga ku haysa Xarunta Dowladda Hoose Xamar (fiisha Governo), waxaana halkaas waxyeelo ay kasoo gaartay dad shacab ahaa.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku dhimatay 5-ruux halka afar kale ay ku dhaawacmeen dhamaana waxa ay ahaayeen dadka shacab ahaa oo maqaaxida ka cunteenaayay.

sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in dadka qaraxa ku dhintay in ay kamid ahaayeen  laba canug oo uu dhalay Warsame Maxamed Xasan (Joodax), Gudoomiye Ku Xigeenkii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Carruurtan, ayaa ahayd arday wax ka barata mid ka mid ah iskuulada ku yaala Magaalada Muqdisho, waxayna la kulmeen qaraxaasi, iyagoo maraayay goobtii uu qaraxa ka dhacay, oo ah afaafka hore ee maqaaxida Al Hindi, oo ku dhow Xarunta Dowladda Hoose ee deg,ada xamar weyne.

C/fitaax Cumar Xalane, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay dhimashada shanta qof iyo dhaawaca afarta kale.  Wuxuuna al-shabaab ku eedeeyay dhibaateenta shacabka soomaliyeed.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax cumar xalane waxa uu tilmaamay in laamaha amniga dalka aysan ka daali doonin in ay dalka gabi-ahaanba ka ciribtiraan al-shabaab oo uu sheegay in ay yihiin kuwa dhibaateeya shacabka.

Qaraxa maanta ka dhacay Muqdisho ayaa kusoo beegamaya xili Sabtidii, weerar loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu qaaday maqaaxida Rajo, oo ku taala Isgoyska Beexaani ee Degmada Shibis.

1460384839bcebf (1) 1460384839bcebf 14603848387a6fd 14603848434d768 146038484184b88 1460384836917b4 14603848443858f

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here