Madaxweynaha Kenya: Faransiisku waxaa uu naga Caawin Doonaa Dagaalka Al-shabaab.

0

Madaxweynaha qaranka Kenya uhuru Kenyatta oo ka soo laabtay booqasho qaadatay saddex maalin oo uu ku tagay qaarada yurub gaar ahaan dalalka faransiiska iyo jarmalka ayaa dib ugu soo noqday dalka Kenya.

Uhuro Kenyatta ayaa maanta ka warbixiyey waxa uga soo qabsoomay  safarkiisa isagoo sheegay in faransiiska ay la gaareen hishiis bku aadan in ay ka gacan siin doonaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaabka soomaaliya.

Uhuru ayaa faransiiska ka dalbaday taageero dheeri ah oo laga siiyo dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab xili uu qudbad ka  jeediyey kulan ka dhacay Magaalada Paris.

Uhuru ayaa sheegay in argagaxisada aysan ku ekeen gobol   oo kaliyah hasa ahaatee ay dhamaan dhibaato ku yihiin caalamka.

Booqashada mdaxweyne Kenyatta uu ku tagay faransiiska ayaa waxaa uu kaloo uu madaxweynaha sheegay in ay faransiiska iyo Kenya ay soo kala saxiixdeen  dhinacyada amaanka, dalxiiska iyo maalgalin uu faransiiska ku sameysto dalka Kenya.

Isbuucii  hore ayaa uhuru uu gaaray qaaradda yurub.

Source: the Standard

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here