Daafaca dhexe ee kooxda arsenal Gabriel ayaa aaminsan in xidiga Laurent Koscielny uu kamid yahay daafacyada ugu wanaagsan aduunyada uuna mar walba daneeyo in uu qaabkiisa oo kale uu yeeshto.
Gabriel ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay noqday dooqa kowaad ee kooxda arsenal kadib markii kursiga keydka lagu hubsaday xidiga Per Mertesacker wenger ayaa xidigaan kala soo wareegay kooxda Villarreal sanadkii aynu soo dhaafnay.
Kooxda arsenal ayaa xili ciyaareedkaan raajenaysa ku guuleysiga Horyaalka dalka Ingiriiska iskastoo ay kooxda la daala dhacayso guuldarooyin soo gaaraya.

