Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga, Paolo Gentiloni, ayaa sheegay in Talyaanigu uu qaadi doono talaabooyin deg deg ah, oo ka dhan ah dalka Masar, hadii aysan dowlada Masar soo helin cadeymo ku saabsan dadkii ka dambeeyay dilka Giulio Regeni oo ahaa wiil u dhashay dalka Talyaaniga
Giulio Regeni, oo ahaa Ardey ayaa meydkiisii 3-dii bishii February aynu soo dhaafnay laga helay duleedka Magaalada Qaahira, ee dalka Masar xilli 25-kii bishii January laga qafaashay Caasimadda Masar uu ku sugnaa.
Sidoo kale Wasiirka, Arrimaha Dibadda Talyaaniga, Paolo Gentiloni, ayaa sidoo kale sheegay in Xeer ilaaliyaasha dalka Talyaaniga ay doonayaan dokumentiyo muhiim ah oo ku saabsan ardeyga la dilay ee Giulio Regeni, iyo muqaal cadeyn kara xiliga lagu af-duubtay Magaalada qaahira ee dalka Masar.
Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga, Paolo Gentiloni ayaa imaanaya xili Duleedka Magaalada Qaahira Bishii aynu soo dhaafnay laga helay meydka wiil u dhashay dalka Talyaaniga oo si xun loo dilay.

