Wafdi uu Hogaaminaayay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa gaaray Magaalada Barlin ee dalka Germany.
Wefdiga Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta waxa uu ka kooban yahay Wasiiro, diblomaasiyiin, ganacsato iyo xaaskiisa waxay maanta ka dhoofeen Magaalada Paris, ee dalka Faransiiska oo afartii maalmood ee la soo dhaafay ay ku sugnaayeen,
Waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Barlin ee dalka Germany kusoo dhaweeyay madaxda dalka Germany waxaana loosii galbiyay wafdiga mdaxdaweynaha xarunta Madaxtooyada dowlada Germal-ka.
Intuu ku sugan yahay Madaxweynaha Kenya Magaalada Barlin waxa uu kulamo la qaadan doonaa masuuliyiinta Jarmalka, ganacsato iyo shirkadaha waawayn ee dalkaasi ka jira. Waxaana ujeedku Madaxweynuhu uu ku saleysan yahay, sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ganacsi ee labada dhinac.
C/raxmaan Maxamed Cabdulle (C/raxmaan Cuyuun), Agaasimaha Rugta Ganacsiga ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, oo kamid ah wafdiga Madaxweynaha Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in Uhuru Kenyatta uu dadaal ugu jiro, sidii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeyay dalalka Germany iyo Kenya.








