Warbixin ka dhalatay daraasad laga sameeyey cudurka diabetes ama macaanka ayaa lagu sheegay in 422 million oo qofood ay la nool yihiin cudurkaasi macaanka.
Daraasadaan oo ay soosaartay hay-ada caafimaadka dunida ee WHO ayaa lagu sheegay sidoo kale in 11-kii qof ee dunida kunool mid ka mid ah uu qabo cudurka sokorta ama macaanka.
WHO waxaa kaloo ay sheegtay in sanadkii 1980-kii cudurkaan macaanka gaarsiisnaa heerkiisa 108 million oo ruux.
Sida loogu kala badan yahay Cudurka Macaanka.
boqoliiba 8.5% (sideed dhibic shan) ayey dadka waaweyn dunida inta cudurkaan qabta ay ka yihiin.
1.5 million oo qof ayaa u dhintay cudurka macaanka waxaana la ogaaday sanadkii 2012-kii.
2.2 million oo qof waxaa ay dunida u dhinteen dhiigooda oo sokorta ka badatay (optimal blood glucose).
dadka la nool cudurka macaanka oo da’dooda ay gareyso 70 sano waxaa ay dunida ka yihiin 43% (afartan iyo shan boqolkiiba).

