Dowlada iyo Maamulka Puntland oo Heshiis ku gaaray Magaalada Garoowe+Sawiro

0

Magaaada Garoowe ee Gobolka Nugaal waxaa maalmihii dambe ka socday Kulamo u dhaxeeyay Madaxda dowlada soomaliya iyo Maamulka Puntland ujeedka kulamadaas ayaa ahaa sidii puntland loogu qancin lahaa qaadashada nidaamka 4.5.

Dowladda Somaliya iyo Maamulka Puntland, ayaa waxay ku heshiiyeen heshiis ka kooban 10 qodob, waxaana Dowladda u saxiixay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, halka Puntland uu u saxiixay Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kale waxaa heshiis goob-joog ka ahaa Wakiilka Qaramada Midoobe ee Somaliya, Micheal Keating, Wakiilka Midowga Yurub, Michele Cervone d’Urso, Wakiilka Midowga Afrika, Francisco Caetano Jose Madeira, Wakiilka Urur Goboleedka Igad, Maxamed Cabdi Affey iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Tedros Adhanom.

Qaramada Midoobe, Midowga Yurub, Igad iyo dowladaha daneeya arrimaha Somaliya. Ayaa damaanad qaadaya dhaqangalka heshiiska xalay lagu gaaray Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

1459721799a0a4a 1459721801e48fb 1459721802a35d5 1459721802f06a3 14597218043ab16 145972180307e73 145972180605bc5 1459721804218bd 1459721805209ba 1459721805496a1 14597218000217a

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here