Dowlada Mareykanka oo Sheegtay in ay Duqeyn ku Dishay Hogaamiye Sare oo Al-shabaab ka Mid ahaa

0

Milatariga mareykanka ayaa sheegay in duqeyn ay diyaaradaha drones-ka ka ay ka fuliyeen deegaanka Janaale  ee Gobolka Shabeelaha Hoose habeenkii khamiista in ay ku dileen xubin sare oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Xasan cali dhoore ayaa lagu dilay duqeentaasi oo ahaa madaxii sirdoonka Al-shabaab kaasi oo bartilmaameedku ahaa.

Afhayeenka aqalka difaaca mareykanka ee pentagonka Peter Cook ayaa sheegay in xasan cali dhoore oo ka mid ahaa al-qaacida waxaana uu ka dambeeyey dilka saddex muwaadin oo u dhalatay mareykanka kuwaasi oo siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada muqdisho waxaana ku jira weerarkii ka dhacay hotelka maka al mukarama oo lagu dilay muwaadinin mareykan ahaa.

Cook ayaa sheegay in al-shabaab ay dhabar jab ku noqon doonto dilka xasan cali boore oo ahaa xubin sare oo Al-shabaab ka mid ahaa si dhawna wada shaqeyn ula lahaa urur weynaha Al-qaacida.

Howlgaalkaan oo laga fuliyey gobolka Shabeelaha Hoose  ayaa waxaa ka qeyb qaatay ciidamada dowlada soomaaliya kuwooda sida gaarka ah u tababaran oo la shaqeeya ciidamada mareykanka .

Mareykanka ayaa kordhiyey howl galada uu ku beegsanaayo xubnaha ugu sarsareeya Al-shabaab.

3-dii bishii  march ayaa dowlada mareykanka ay sheegtay in 150 dagaal yahan ay alshabaab uga dishay deegaanka raaso oo gobolka hiiraan ka mid ah 120 mile ka xigta magaalada muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here