Danjiraha Qaramada Midoobe Arrimaha Soomaliya Michael Keating ayaa maanta ku wajahan Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.
Michael Keating ayaa la sheegayaa in uu goob-joog ka noqon doono wada-hadalka u dhaxeeya Maamulka Puntland iyo dowlada Soomaliya uu wakiil ugu yahay Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke.
Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa sidoo kale la tilmaamayaa in uu kulamo la qaadan doono Madaxda Maamulka Puntland si uu ugu qanciyo qaadashada nidaamka 4.5 oo dhawaan la shaaciyay in doorashada soomaliya lagu saleyn doono.
Dowlada Soomaliya iyo beesha caalamka ayaa ku qancinaya Maamulka Puntland qaadashada Nidaamka 4.5 oo lagu saleeyay doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

