Warar dheeri ah oo kasoo baxaya weerar qasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho.

0

Wararka Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ay ka helayso Degmada Hodan gaar ahaan agagaarka Isgoyska Xaafadda Taleex ee Degmadaasi ayaa sheegaya in halkaasi ay kooxo hubaysan ay ku dileen shaqaale Turki ah oo ka tirsanaa Isbitalka Digfeer kuwaas oo gaari ay wateen kooxo hubaysan ay ku  rasaaseeyay halkaasi.

Wali waxaa adag in Macluumaad dheeri ah laga helo sida ay wax u dhaceen,balse wararka aan ka helayno dadka deegaanka ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo waliba dhaawac soo gaaray shaqaalaha la Weeraray.

Wararka aan helayno waxaa ay intaa ku darayaan in dadka la weeraray ay la socdeen gaari nuuca Soomaalidu ay u taqaanno Noaha-da islamarkaana ay waxyeelo kala duwan ay ka dhalatay rasaasta lagu furay gaariga,waxaana Wararka qaarkood ay sheegayaan in dadka waxyeeloobay ay isugu jiraan Muwaadiniin Soomaali iyo Turkiyiin ah waloow aan si rasmi ah loo kala saarikarin sida Waxyeeladu ay usoo gaartay muwaadiniintaas.

Kooxihii weerarka fuliyey oo iyana watay gaari nuuca raaxada ah ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana noo suura gali waayey Xiriirro kala duwan oo aan la sameynay Maamulka Degmada Hodan si aan wax uga ogaanno sida ay wax u dhaceen,walina xiriirada aan la sameyneyno goobta ay wax ka dhaceen iyo Maamulka degmada Hodan intaba waan wadnaa wixii kasoo kordhana dib kala soco insha allah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here