Madaxweynaha Puntland Xafiiskiisa ku Qaabiley Wafti kasocdey Qaramada Midoobey

0

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 29-March-2016 xafiiskiisa ku qaabilay wafti kasocdey Jimciyadda quruumaha ka dhexaysa oo uu hoggaaminayey ku-xigeenka Wakiilka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee dhinaca Aadanaha Peter De Clercq.

Kulanka ayaa Madaxweynaha  waxaa kuwehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Axmed Cali Xaashi iyo xubno katirsan golaha Wasiirada  Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali  iyo Peter De Clercq ayaa kulankooda waxay uga wada hadleen Arrimaha banii’aadantinimada iyo heer heerka ay ka joogta ilaalinta xuquuqda aadanuhu deegaanada Puntland arrintaas oo noqotay mid aad loogu ammaanay  Puntland qaabka ay u ilaaliso xuquuqda Aadanaha.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay wadashaqaynta ka dhexaysa hay’adaha qaramada midoobey ee Puntland kusugan iyo  Puntland waxaana la tilmaamay in ay meel wanaagsan marayso wadashaqayntoodu isla markaana loo baahan yahay in lasii dardar geliyo wadashaqayntaasi.

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Peter De Clercq ayaa sidoo kale kawada hadlay arrimaha abaaraha  ee ka jira Puntland iyo qaabkii Qaramada midoobey iyo  Puntland ay isaga kaashan lahaayeen gurmadka abaaraha, kaas oo ay dawladda Puntland mar hore bilawday.

Ugu dambayntii, ku-xigeenka Wakiilka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey ee Soomaaliya ee dhinaca Aadanaha Peter De Clercq ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada difaaca Puntland oo dhowaan jebiyey  kooxihii Al-shabaab  ee duullaanka kusoo qaaday  isla markaana kasoo hooyey guulihii taariikhiga ahaa.

 

IMG_3741 IMG_3742 IMG_3744 IMG_3745 IMG_3746

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here