Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed:- Al-shabaab Waa Laga Saaray Bariga Gobolka Mudug

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo maanta kormeer ku tagay goobihii lagula dagaalamay al-shabaab ayaa sheegay in gabi-ahaanba Bariga Gobolka Mudug laga saaray al-shabaab.

Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ku amaanay Ciidamada Maamulka Galmudug qaabka ay ugu guuleysteen Ciidamada al-shabaab oo uu sheegay In ay doonayeen weeraro argagaxiso in ay ka fuliyaan deeganada Bariga Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo la hadlay Saxaafadda, ayaa Al Shabaab ku eedeeyay inuu qorshahoodu ahaa weeraro iyo falal argagaxiso, oo ay ka gaystaan bariga Gobolka Mudug, balse ay ka hortageen Ciidamada Geesiyaashada Galmudug.

Dhanka kale Madaxweynaha  Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay sida ay ula dhaqmi doonaan maxaabiistii ay ka qabteen al-shabaab waxa uuna Tilmaamay madaxweynaha in loola dhaqmi doono si waafaqsan shareecada islaamka.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ku amaanay dadka deeganada Gobolka Mudug sida ay ula shaqeeyeen ciidamada Galmudug iyo qaabka ay u sheegeen dadka ay kaga shakiyaan al-shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug, Maxamuud Aadan Cismaan (Masagawaay), ayaa Axadii sheegay in dagaalka ay ku qabteen 105 ka mid ah Al Shabaab, oo sagaal ka mid ah ay dhaawac tahay, halka 110 kalana ay dagaalka ku dileen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here