Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa Masaajid ku yaala Gudaha degmada Degmada Heliwaa waxa ay ku dileen Allaha u naxariistee ganacsade Sade Mahad Dirir oo loo yaqaanay (Cad Cad).
Raga hubeysan ayaa la sheegay in dhowr xabadood ay ku dhufteen Sade Mahad Dirir oo loo yaqaanay (Cad Cad). Xili uu akhrisanaayay kitaabka qur’aanka Kariimka sida ay warbaahinta u sheegeen dad ku sugnaa goobta.
Kooxda hubeysan ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen markii ay dilka geysteen kadib mana jirto cid loo soo qabtay dilka loo geystay Allaha u naxariistee ganacsade Sade Mahad Dirir oo loo yaqaanay (Cad Cad).
Dhanka kale Saraakiisha Booliska, Nabad Suggida iyo Maamulka Degmada Heliwaa, ayaan illaa iyo hadda ka hadlin dilka ganacsadaha loogu gaystay Degmadaasi.

