Galmudug oo Sheegtay in lasoo Af-jaray Dagaalkii ka Socday Bariga Gobolka Mudug

0

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in lasoo af-jaray dagaalkii lagula jiray al-shabaab ee maalmihii dambe ka socday bariga Gobolka Mudug ee bartamaha dhulka Soomaliya.

Wasiirka Warfaafinta ee dowlad goboleedka Galmudug Mudane Maxamuud Aadan Cismaan Masagawaay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Galmudug ay soo af-jareen dagaalkii sedexdii maalin aynu soo dhaafnay ka socday deeganada Bariga Gobolka Galgaduud isla markaana al-shabaab dagaaladaas loogu qabsaday maxaabis aad u fara badan.

“Waxaan maanta soo afjarnay dagaalladii saddexda maalin ka socda bariga Galmudug, kadib markii koox meel ku jirtay ay isa soo dhiibeen oo xoog lagu maquuniyay, waxaana gacanta lagu dhigay in ka badan 20 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab iyo hubkooda, guud haan tirade laga qabtay waa 105 maxbuus, ayuu yiri wasiirka warfaafinta Maamulka Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan Masagawaay.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Mudane Maxamuud Aadan Cismaan Masagawaay waxa uu dhanka kale sheegay in ciidanka galmudug uu ka dhintay hal askari sideed kalana ay ka dhaawacmeen haatan la dabiibayo.

Shacabka deeganada Galmudug ayuu ugu baaqay in ay mar walba la shaqeeyaan laamaha amniga Galmudug si meesha loogu al-shabaab-ka weerarka kusoo qaaday deeeganada Galmudug.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug  C/kariin Xuseen Guuleed ayaa la sheegayaa in uu maanta booqan doono goobihii laga saaray al-shabaab ee Bariga Gobolka Mudug.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here