Dowlada sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in ay heshiis wada gaareen kooxaha xuutiyiinta yemen oo la isku weedaar sanaayo maxaabiista ay kala qabteen la bada dhinac.
Xuutiyiinta yemen ayaa dowlada ku wareejiyey 9 ruux oo sacuudiyiin ah halka dowlada sacuudigana ay siideysay maxaabiis dhan 109 oo yamaniyiin ah.
SPA oo ah wakaalada wararka u faafisa sacuudiga ayaa sheegtay in ay 9-ka maxaa biis ee xuutiyiinta ku wareejiyeen sacuudiga laga dajiyey garoonka jiddah ee dalka sacuudiga.
Dowlada sacuudiga ayaa dalka yemen ka wada dagaal ay uga soo horjeeda xuutiyiinta maamula dalkaasi intiisa badan dagaalkaasi oo lagu caawinayo dowlada madaxweyne cabdi rabi mansuur Al-hadi.

