Dowlada kenya oo Soo iibsatay Saddex Diyaaradood oo Lagula Dagaalamayo Al-shabaab.

0

Dowlada kenya ayaa sheegtay in saddex diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ee loo yaqaan elokobtariska kasoo iibsatay dalka jamhuuriyada Czech Republic .

Afhayeen u hadlay wasaarada gaashaandhiga ee dalka kenya  ayaa sheegay in diyaaradahaan dagaal ay kula dagaalamayaan Xarakada  Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowlada soomaliya iyo ciidamada amisom.

Dowlada kenya ayaa si rasmi ah waxaa ay usoo bandhigtay maanta hal diyaarad oo kuwa dagaalka halka kuwa kalane ay sheegtay in lasoo gaarsiin doono 1-da bisha April ee sanadkaan.

Madaxweynaha daka kenya uhuri kenyatta ayaa bishii hore sheegay in ay Al-shabaab kaga adkaan karaan hadii la xoojiyo awoodaha badda iyo cirka oo howl-galka Amisom ay hada u adeegsan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Waxaa kaloo ay dowlada kenya sheegtay in saddex todobaad ka dib in raashka ay u balan qaadeen diyaarado dagaal oo kale.

Rodgers Mbithi oo ka mid gudiga booliska qaranka ayaa xaqiijiyey in diyaaradahaan uu sicad dalka u soo iibsaday.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here