Madaxweynaha Xiriirka Kubada Cagta aduunyada Gianni Infantino ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ee ka dhacay garoonka kubada Cagta lagu ciyaaro oo ku yaala Magaalada Iskandariya ee dalka Ciraaq.
War kasoo baxay Xafiiska madaxweynaha xiriirka Fifa ayaa lagu sheegay in madaxweynaha xiriirka Fifa uu si kulul u cambaareynayo falka lagu dilay dadka daawanayay ciyaar u dhaxeysay labo koox oo ka ciyaara horyaalka dalka ciraaq.
Inta la xaqiijiyay 32-ruux ayaa ku geeriyooday qaraxyada ka dhacay garoonka kubada lagu ciyaaro ee ku yaala dalka ciraaq waxaana sheegtay mas’uuliyada weerarkaas kooxda Daacish.

