Maamulka Galmudug ayaa ka warbixiyay dagaalkii maanta ka dhacay deegaano Hoose yimaada bariga Gobolka Mudug.
Shir jaraa’id oo uu maanta magaalada Cadaado ku qabtay wasiirka warfaafinta Maamulka Galmudug Maxamuud Aaden Cusmaan ayuu ku sheegay in dagaaladii maanta ay kula galeen Shabaab deegaanada Galhagiig, Dinooda, iyo Tawfiiq ee bariga gobolka Mudug ay ku dileen dagaalyahano badan oo ka tirsanaa al-shabaab isla markaana ay ka qabsadeen maxaabis.
Wasiirka warfaafinta dawlad Maamulka Galmudug Maxamuud Aaden Cusmaa waxa uu Tilmaamay in ciidamada Maamulka Galmudug ay qabteen habeenkii xalay dooni ay la socdeen hogaamiyaal ka tirsan al-shabaab oo baxsad aheyd.
Dhanka kale Maamulka Galmudug, ayaa maanta Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ku soo bandhigay maxaabiis gaareysa 22-dhalinyaro lala xiriirinaayo Al Shabaab, kuwaasi oo lagu qabtay dagaalkii ka socday Bariga Gobolka Mudug.
Cabdi Jaamac Cabdulle (Xabeeb), Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Maamulka Galmudug, ayaa Warbaahinta u sheegay in ragga la qabtay ay intoodu badan da’doodu ka yar tahay 20 sano. Lana soo qalday.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

