Ra’iisul-wasaaraha Soomaliya Cumar C/rashiid oo Gaaray Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

0

Ra’iisul-wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Shamarke  iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey Ayaa maanta Gaaray Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

Wafdiga Raisulwasaaraaha Soomaliya waxaa Magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehlinayeen Madaxweyne ku-xigeenka Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa

Soodhoweynta Ra’iisul-wasaaraha ayaa waxaa ka qayb qaatay Sidoo kale Wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil ciidan, waxaana intaasi kadib loo gudbiyey waftiga Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe halkaas oo ay Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaruhu si wada jir ah ugula hadleen warfidiyeenada.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ujeedka socdaalka Ra’iisul-wasaaruhu uu ku qotomo sidii Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya ay uga wada hadli lahaayeen geeddi-socodka Nabadda Soomaaliya iyo marxaladda kala guurka ah ee uu ku jiro dalka Soomaaliya.

“waxay noogu yimaadeen inaanu kawada hadalno maraxadda kala guurka ah ee Soomaaliya iyo geeddi-socodka nabadda Soomaaliya sidii loosii ambaqaadi lahaa oo ay Puntland iyo Dawladda Federaalku uga wadashaqayn lahaayeen in Soomaaliya uu ka dhoco isbedel u hiilinaya Mustaqbalka Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in ay ra’iisul-wasaaraha kawada hadli doonaan arrimaha Amniga dalka oo ay qayb katahy guulihii ciidamada Puntland ay kasoo hooyeen duullaankii alshabaab ay kusoo qaadeen Puntland sidoo kale Arrimaha dhaqaalaha dalka ayuu sheegay Madaxweyne Gaas in ay kawada hadli doonaan.

Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa bogaadiyey guulihiii taariikhiga ahaa ee shacabka iyo  ciidamada difaaca Puntland iyagoo is garabsanaya  ay kasoo hooyeen al-shabaab-ka ku duulay Puntland , waxaana uu intaasi  sii raaciyey in ay gacan kageysanayaan wax kaqabashada ciidamadii halgamayaasha ahaa ee Puntland ee dhaawacyadu kasoo gaadheen dagaalkii ay sharwadayaasha alshabaab kaga sifaynayeen Puntland.

Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya  Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sidoo kale sheegay in ay Puntland kawada hadli doonaan masiirka ummadda Soomaliyeed iyo sidii looga bixi lahaa xilliga kala guurka ah ee uu kujiro dalka Soomaaliya, waddankana loogu jihayn lahaa meel wanaagsan.

IMG_3490 (1) - Copy IMG_3494 - Copy IMG_3498 IMG_3505 - Copy IMG_3511

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here