Waxaa Maanta dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Galmudug iyo Kuwa Al-shabaab uu ka soconayaa deegaanada Jiray iyo Galhagoog oo ku dhow deegaanka bud-bud ee gobolka mudug.
Wararka aan halkaasi ka helayno ayaa sheegaya in dagaalk oo bilowday Waabarigii hore ee Saaka uu ilaa hadda socdo islamarkaana la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan kuwaasi oo laga maqlaayo deegaanada ka ag-dhaw deegaanada ay dirirtu ka socoto.
Dagaalada ayaa bilowday kadib markii la sheegay in ciidamo taabacsan Ururka Al-shabaab oo ka yimid deegano ku dhaw deegaanka Garacad ay gaareen goobo ay ka arimiyaan Ciidamada maamul Goboleedka Galmudug.
Goobaha dagaalku ka socdo wararka ugu dambeeya ee kasoo gaaraya Warqabadka Radio Simba ayaa xaqiijinaya in ay jiraan qasaarooyin dhinacyo badan ah oo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya waloow aan wali si dhab ah loo hubin inta uu gaarsiisanyahay qasaarahaasi.
Mid ka mid ah dadka ku nool deegaanada dagaaladu ay ka dhacayaan oo la hadlay Radio Simba ayaa sheegay in uu jiro qasaare uu sababay dagaalka Maanta Socda,dadka ku nool deegaanadaasi oo u badan reer guuraa ayuu sheegay in ay ka hayaameen goobahaas kuwaasi oo ka cabsanaya in ay saameeyaan dagaalada halkaa ka socda islamarkaana dagaalku uu yahay mid culus oo hub waaweyn dhaqiisa ay maqlayaan.
Warar Madaxbanaan oo aan wali la xaqiijinna waxaa ay sheegayaan in dagaalka ay ku waxyeeloobeen 8-ruux oo labada dhinac ka tirsan.
Saraakiisha hogaamineysa dagaalka Ciidamada Maamulka Galmudug ay maanta la galeen Ciidanka Al-shabaab oo xiriirro kala duwan aan la sameynay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan dagaalkan iyo faahfaahintiisa.
Sidoo Kale Xarakada Al-shabaab ayaan iyana dhankooda wali wax War ah kasoo saarin dagaalka Maanta ka dhacay deegaanada Jiray iyo Galhagoog oo 20-KM u jira deegaanka Bud-bud ee Gobolka Mudug.

