Dhageyso:-Soomaali ku geeriyootay Waddanka Angola.

0

Wararka ka imaanaya wadanka Angola ayaa ku waramaya in dalkaasi ay siyaabooyin kala duwan todobaadkaani ugu dhinteen ku dhawaad 4-ruux o Soomaali ah.

Dadka dhintay ayaa lagu waramayaa in cudur ka dilaacay wadankaasi uu haleelayay islamarkaana ay ku dhinteen Caasimada wadanka Angola ee Luanda.

Cudurkaan oo dhaqaatiirta dalkaasi ay ku sheegeen inuu yahay Cudurka Afka qalaad lagu yiraahdo Yellow Fever ayaa waxaa qofka uu ku dhaco qabanaysa qandho Xoog badan iyadoona maalmo ka dib markii uu qofku xanuunka la jiifo uu u geeriyoonayo.

Waxaa sidoo kale lagusoo waramayaa in dadkan Soomaalida ah ee geeriyootay ay kuwada geeriyoodeen Magaalada Luanda ee Caasimadda Dalkaasi.

Markii uu cudurkan dillaacay ayaa waxaa dowladda Angola ay bilowday Olole Xooggan oo lagu dabar goynayo cudurka Waddankaasi ka dillaacay,waxaana la tallaalayaa dhammaamba dadka dalkaasi ku nool waxaana dowladdu ay sheegtay in qof walba uu istallaalo.

Muwaadiniinta Soomaalida ee Ku nool waddankaasi ayaa iyaguna qeyb ka ah hadda Mujtamaca ku nool halkaasi ee iska tallaalaya cudurka ka dillaacay waddanka Angola ee Yellow Fever loo yaqaan.

Mid ka mid ah Muwaadiniinta Soomaalida ee ku ganacsata dalkaasi ayaa u sheegay Idaacadda Simba in Soomaalida illaa iyo hadda cudurka u geeriyootay ay gaarayaan 4-ruux islamarkaana ay hadda Soomaalidu bilaabeen in ay tagaan goobaha Caafimaadka si ay isaga baaraan cudurka ka hor tagna ay sameeyaan inta uusan cudurku haleelin,cudurkan ka dillaacay dalka Angoola ayaana ka dhasha Kaneecada sida uu sheegay muwaadinkan Soomaaliga ah.

Waddanka Angola oo ka mid ah Wadamada Ku Yaalla qaaradda Africa ayaa waxaa ku nool Soomaali badan kuwaasi oo dalkaasi u tagay Waxyaabo ay ka Midyihiin Ganacsi iyo Waxbarasho,haba u badnaadene Soomaalida Ganacsiga u tagaysa,waxaana hadda ay walwal ka muujinayaan in uu saameeyo cudurka halkaa ka dillaacay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here