Taliyaha Ciidamada Booliska oo Gaaray Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan,

0

 

Taliya ciidamada Booliska Soomaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska soomaliyed ayaa gaaray Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan,

Wafdiga uu Hogaaminayay Taliyaha ciidamada Booliska Soomaliyeed waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay taliska Booliska Gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada Amisom ee Gobolka Hiiraan.

Intaas kadib Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed uu wehliyo Taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Hiiraan Isaaq Cali Cabdi, iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan,

Wararka haatan naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Taliyaha uu haatan kulamo la leeyahay saraakiisha ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee Amisom.

Ujeedka socdaalka uu ku tagay Taliyaha Booliska Somaliya Degmada Jalalaqsi ayaa salka ku haysa sidii sare loogu qaadi lahaa tayada ciidamada Booliska Gobolka Hiiraan, gaar ahaan kuwa Jalalaqsi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here