Raisulwasaaraha Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa habeekii xalay ahaa Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiraan waxa uu kulamo kula qaatay odoyaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda Gobolkaas.
Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke raisulwasaaraha Soomaliya ayaa odoyaasha iyo waxgaradka Gobolka waxa uu kala hadlay sida aynu wararka ku halayno sidii mar kale loo amba qaadi lahaa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe oo dhawaan ka furmay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe.
Qaar kamid ah odoyaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa la sheegayaa in ay diidan yihiin ka qeyb galka shirka maamul u sameynta Hiiran iyo shabeelaha dhexe oo dhawaan uu furey Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud.
Dhanka kale wasiirka arrimaha Gudaha xukuumada Soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo maalmihii dambe ku sugnaa Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa odoyaasha iyo waxgaradka Gobolkaas ka codsaday in dib loo amba qaado shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.

