Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan deeganadii dhawaan lagala wareegay ciidamada Al-shabaab ee Gobolka Mudug.
Warar ay idaacada simba ay halayso ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud uu kamid yahay madax booqasho ku tagi doonta goobihii laga saaray Xarakada al-shabaab ee Gobolka Mudug kadib dagaal dhexmaray al-shabaab iyo ciidamada Maamulka Puntland.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr: C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Ku-xigeenkiisa ayaa maanta la filayaa in ay gaaraan deeganadii laga saaray al-shabaab ee Gobolada Mudug iyo Nugaal kadib dagaal maalmo socday.

