Booliska Dalka Belgium-ka oo Aqoonsaday Guri ay Daganaayeen Sedex Ruux oo Lagu Tuhmaayo Qaraxyadii Brussels

0

Booliska dalka Belgium-ka ayaa habeenkii xalay ahaa aqoonsaday guri ay daganaayeen sedex ruux oo lagu tuhmaayo weerarkii ka dhacay Garoonka diyaaradaha Magaalada brussels ee Zaventem airport,

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dalka Belgium-ka ayaa la sheegay in ay gaareen habeenkii xalay ahaa  guriga la sheegay In ay deganaayeen sedex ruux oo lagu tuhmaayo weerarkii Magaalada Brussels iyagoona sidoo kale kamid ahaa rakaabkii ku sugnaa Garoonka diyaaradaha ee Zaventem airport,

Dhanka kale booliska dalka Belgium-ka ayaa sii daayay muuqaal  ay duubtay caamerada CCTV kaasi oo muujinaya in sedexda nin ay ahaayeen kuwii ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay Magaalada  Brussels.

Booliska dalka Belgium-ka  ayaa sidoo kale tilmaamay in sedexda nin labo kamid ah ay isku qarxiyeen Garoonka diyaaradaha Magaalada brussels Zaventem airport, halka ruuxa sedexaad uu goobta ka baxsaday isagoo dhaawac ah walina lagu raadjoogo soo qabashadiisa.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here