Baaritaan Lagu Sameyn Doono Dabkii Xalay Ka kacay Isbitaala Madiina iyo Banaadir

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa maanta Kormeer ku tagay isbitaalada Madiina iyo Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale)  ayaa sheegay in indha indheen uu ku sameeyay inta uu la eg yahay khasaaraha uu geystay dabka xalay ka kacay isbitaalada Madiina iyo Banaadir ee Magaalada Muqdisho ,

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir  ayaa  ugu baaqay hey’adaha caafimadka ka shaqeeya ee caaalamiga ah iyo dadka dhaqaalaha uu ilaahey siiyay in ay garab istaagaan isbitaalada Madiina iyo Banaadir oo xalay dab sababay qasaaro hantiyadeed uu ka kacay Labada isbitaal.

“Dadka wax haysta ha garab istaagaan isbitaalada Madiina iyo Banaadir Waa goobaha dadka soomaliyeed wax loogu qabto marka ay dhaawacmaan ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Madaale.

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa sheegay in baaritaano lagu sameyn doono waxa sababay in hal habeen ay dab kawada kacaan isbitaalada ugu muhiinsan Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Cismaan Maxamed Cabdi (Daalo) ayaa sheegay in laamaha ammaanka dalka  ay ka dalbanayaan baaritaanka dabka ka kacay labadaasi Isbitaal.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here