Wasiirka Warfaafinta Puntland:- Al-shabaab Waa Laga Saaray Deegaanka Togga Suuj

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Xassan Soocade oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Maamulka Puntland ay deegaanka Togga Suuj ay kala wareegeen ciidamadii al-shabaab oo maalmihii dambe ku sugnaa.

Wasiir Soocadde ayaa tilmaamay in ciidamada Maamulka Puntland ay deegaanka Togga suuj ku dileen ciidamo ka Tirsan kuwa al-shabaab kadib markii ay halkaas go’doon ku noqdeen .

”Waxaan shacabka Puntland ugu baaqaynaa Kooxda firxatay oo ku wajahan meelo gaar ah iyo kuwa iska yaacay cid alla cidii aragta ay maamulka lasoo socodsiiso ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dawlada Puntland Maxamuud Xassan Soocade.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dawlada Puntland Maxamuud Xassan Soocade ayaa sheegay in dhawaan lasoo afmeeri doono wajiga Labaad ee dagaalka lagula jiro al-shabaabka ku sugan deeganada xeebta ee maamulka Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here