General Cabdi Abshir Jaamac oo Sarkaal ciidan ahaa, oo dhawaan loo magacaabay Maareeyaha Guud Maamulka iyo Amniga Garoonka Aadan Cadde ayaa xiligaas la wareegay.
Wareegto laga soo saaray xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa xilka looga qaaday Cali Maxamed Ibraahim (Cali Madoobe), laguna soo magacaabay General Cabdi Abshir Jaamac.
Shalay waxaa Garoonka aadan Gaaray Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya wuxuuna ka qaybgalay kulan looga hadlaayay ammaanka Garoonka aadan Cadde.
Kulanka amniga Garoonka Muqdisho loogu hadlaayay waxaa ka soo qaybgalay Saraakiisha Ciidamada Booliska, Nabad Suggida ee ka hawlgala Garoonka, Saraakiil ka socotay Waaxda Socdaalka Garoonka iyo xubno kale oo ka socday Shirkadda FAVORI oo Turkiga laga leeyahay, gacantana ku haysa Maamulka Garoonka.
Tan iyo weerarkii diyaarada Daallo Air Line waxay dowlada soomaliya ayaa kordhisay xaqiijinta amaanka Garoonka Muqdisho madaama uu garoonka kamid yahay Goobaha daqliga ay dowlada soomaliya ka hesho.

