Wasiirka Amniga Puntland, Cabdi Xersi Cali (Qarjab), iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa maanta gaaray deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug oo dhawaan ay qabsadeen ciidamo ka tirsan al-shabaab.
Wasiir Cabdi Xersi Cali (Qarjab),, ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayay xubno uu ka mid yahay Taliyaha Ciidamada Daraawiishta maamulka Puntland, General Saciid Dheere, wuxuuna safarkoodu uu ka soo bilowday Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.
Wafdiga ayaa deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug waxa ay kula kuleem Mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada Maamulka Puntland ee deegaankaas ku sugan waxayna kala sheekaysteen xaaladaha deegaanka.
Wasiirka Amniga Puntland, Cabdi Xersi Cali (Qarjab), ayaa saraakiisha iyo Maamulka deegaanka Garacad kula dardaarmay in aysan deegaanka mar kale kusoo laabanin al-shabaab oo habeen ku sugnaa deegaanka.

