Madaxweynaha Soomaliya oo ka Hadlay Dagaalka kasoo Cusboonaday Deeganada Puntland +Dhageyso

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta ka qeyb qalay shir ku saabsan hanaanka loo marayo dhismaha dowladaha Hoose ayaa ka hadlay dagaalka ka socda deegaanada xeebta ee Maamulka Puntland.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaliya  ayaa Sheegay in dagaallada Al-Shabaab ay ka wadaan deegaano ka tirsan Maamulka Puntland aysan ka duwaneen kuwa ay ka wadaan gobollada kale ee dalka.

“dagaalka ay shabaab ka wadaan deeganada Maamulka Puntland waa mid aan ka duwaneen kuwa ay ka wadaan gobollada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo kuwa kale ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweynaha SoomaliyaXasan Shiikh Maxamuud  ayaa  wax lasoo dhaweeyay ku tilmaamay qaabka ay shacabka deeganada maamulka Puntland ugu midoobeen dagaalka lagula jiro Xarakada al-shabaab oo dhawaan la wareegtay meelo kamid ah deeganada xeebta ee Maamulka Puntland.

“Shacabka reer Puntland sida ay ugu midoobeen la dagaallanka Al-Shabaab waan idinku bogaadinayaa, markasta dowlad ahaan iyo shacabka Soomaaliyeed way idin garab taaganyihiin waana la guuleysan doonaa dagaalka lagula jiro nabad diidka Al-Shabaab”.

Hadalka Madaxweynaha Soomaliya ayaa kusoo beegmaya xili dagaal u dhaxeeya shabaab iyo ciidamada Maamulka Puntland uu ka socdo deeganada Maamulka Puntland kadib markii ay shabaab gaareen deeganadaas.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here