Saraakiisha Kenya oo sheegay in Degmada Afmadoow ay ku dileen Dagaal yahano Alshabaab ka tirsan

0

Wargeyska the star ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in ciidanka Kenya ay dileen 19 dagaal yahan oo ka mid ahaa Al-shabaab kadib weerar ay ku qaadeen degmada  Afmadow oo ka tirsan gobolka jubbada  hoose.

Afhayeenka ciidanka  Kenya David Obenyo ayaa sheegay in ciidanka Kenya ee Amisom iyo kuwa qaranka soomaaliya ay weerar ku qaadeen saldhig ay shabaab kula haayeen deegaanka afmadoow waxaana uu sheegay in qasaaro lixaad leh ay u geestaan alshabaabkii xeradaasi ku sugnaa.

Waxaa uu sheegay afhayeenkaasi in ciidanka Kenya ay fashiliyeen weerar ay alshabaab doonayeen in ay fuliyaan habeenadii arbacada  1:00am weerarkaasi oo uu sheegay in ay ka fulin rabeen isla magaalada afmadoow oo ka tirsan gobolka jubada hoose.

Afhayeenka ciidanka Kenya waxaa uu intaasi ku daray in 10 qorahaya AK47 ah 3 hoobiye laga soo qabsaday Alshabaab waxaana uu intaasi ku daray in dhoor gawaari ay ciidanku burburiyeen.

Ugu dambeen wargeyska ayaa qoray in dhinaca Kenya aysan wax qasaaro ah gaarin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here