Madaxweynaha Masar Al-SISI oo Talyaaniga uga digay in Liibiya ay Noqoto sida Soomaaliya oo kale.

0

Wargeyska  La Repubblica ee ka soobaxa dalka talyaaniga ayaa qoray in madaxweynaha dalka masar cabdi fitaax Al-SISI uu uga digay dalka talyaaniga iyo quwadaha reer galbeedka in  ay fara galin military ku sameeyaan dalka libiya.

Wargeyska  La Repubblica oo uu wareysi siiyey cadi fitaax AL-SISI ayaa qoray in ay qalad weyn noqon doonto hadii talyaaniga iyo quwadaha kale ee reer galbeedka ay libiya ku sameeyaan  in ay u diraan ciidan shisheeye oo dalkaasi waqooyiga afrika dhaca ee libiya ka howl gala.

Cabdi fitaax AL-sisi ayaa wargeyska talyaaniga ee La Repubblica u sheegay in wax laga barto gdagaalada ka socda Somaaliya iyo dalka afgaanistaan muddo dhan 30 taasi oo uu madaxweynaha aamin sanyahay in ay dagaaladaasi sababeen ciidamo shisheeye oo faragalin military dalalkaasi ku sameeyey.

“Miyeenan aheyn in somaliya laga tusaalo qaato waxa ka socda maxaa liibiya ay reer galbeedku u doonayaan in ciidan shisheeye loo diro ayuu yiri madaxweynaha masa Al-sisi”.

SISI ayaa sheegay in in ciidanka qaranka  liibiya la taageero , iyaga ayaa wax ka wanaagsan qabakara  shaqsiyaad kale waxana taasi ay ka wanaagsan tahay sameenta faragalin ka timaato dibada ayuu yiri cabdi fitaax Al-sisi madaxweynaha masar.

“waxaa ay noqon doontaa qalad aad u xun, waxaan ka warqabna fikradaha kala duwan ee ururada xagjirka ah ay aamin sanyihiin kuwaasi oo isku mab da’a ah bal u fiirso shabakadaha Al-qaacida ku xiran sida  Ansar al-Islam , Al-shabaabka soomaaliya iyo Boko Haram  dhamaan hal u jeedo ay ka aamin san yihiin ciidanka shisheeye ayuu yir Al-Sisi”.

Talyaaniga ayaa horay u sheegay in qaramada midoobe ay ka codsan doonaan ogolaanshaha ciidamo shisheeye oo iyaga hor boodayaan in la geeyo dalka libiya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here