Dowladda Soomaaliya ayaa Sheegtay in la Adkeeyay Amaanka Dakadaha Muhiimka ah ee Dalka Kadib markii laamaha amaanka dalka ay ka war haleen weeraro abaabulan ay ka geysan rabaan xarakada al-shabaab.
Sarkaal Sare oo Ka Tirsan Hay’adda Sirdoonka Iyo Nabadsugidda Soomaaliya Ee NISA ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in shabaabkii lagu Arkay Shalayto Deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug oo Qiysaas ahaan gaarayay ku dhawaad 500-askari ay Qorsheynayeen Weerar lagu Qaado Qaar kamid ah Dakadaha Soomaaliya Markii Xogtaada laga war helayna ay dib uga laabteen deegaanka.
Laamaha dalka ayaa sheegay in lasii xoojin doono talaabooyinka laga xaqiijinaayo amaanka Goobaha ilaha dhaqaale u ah dalka sida dekadaha iyo Garoomada diyaaradaha.
Sarkaalka ka Tirsan Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya ayaa Xusay in bartilmaameedka al-shabaab ay ka mid ahaayeen Dekadaha Muqdisho,Boosaaso iyo Xarumo kale oo muhiim ah.
Ciidamo ka Tirsan al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa la wareegay deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug in kastoo subaxnimadii hore ee saakay ay iskaga baxeyn deegaankaas.

