Ka dib markii madaxweynaha dalka raasha ee faladamiir butin uu amar ku bixiyey in ciidankiisa jooga dalka Syria ay sida uga dhaqsiyaha badan kaga soo baaxaan dalkaasi ayaa maanta ciidanka raashka ee jooga Syria waxaa ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ay kaga baxayaan dalkaasi.
Diyaaradii ugu horeysay ee ciidankaasi qaadi laheyd ayaa cutubyo ka tirsan ciidanka raashka ee jooga Syria qaaday maanta.
Ciidanka ayaa laga qaaday dhanka galbeedka ee dalka Syria oo fariisimo military ay kula haayeen Ciidamada Russia oo mudooyinkii dambe dagaalo xoogan kula jiray kooxda Daacish.
Danjiraha qaramada midoobe ee dalka Syria u qaabilsan ayaa soo dhaweeyey maanta go’aanka ay ciidanka raashka kaga baxeen dalka Syria.
Ciidanka raashka oo caawinaya dowlada madaxweyne bishaar al asad ayaa duqeyn ka bilaabay dalka Syria bishii September ee sanadkii dhamaaday ee 2015-kii.
Dalka swezerland ayaa waxaa wada hadalo ay kaga sodaan dhinacyada dalka Syria isku haya.
Muddo ku dhaw 5 sano ayaa colaado ay ka jiraan dalka Syria qeybo badan.

