Dowlada Belgium-ga oo Xukuntay Mid kamid ahaa aas-aasayaashii Burcad Badeeda Soomalida

0

Maxkamada ku taala dalka Belgium ayaa xukun xabsi ah ku ridey hogaamiye sare oo horey ugu tirsanaa kooxaha Burcad badeeda soomalida.

Mohamed Abdi Hassan oo loo yaqaano Afwayne ayaa maanta oo isniin ah waxaa lagu ridey xukun 20-sano kadib markii lagu eedeeyay in uu horey ugu tirsanaa kooxaha Burcad Badeeda soomalida oo ka qoolaysato xeebaha soomaliya iyo meelo ka baxsan Biyaha Soomaliya.

Booliska Magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgim-ga ayaa qabtay Mohamed Abdi Hassan  iyo madaxweyinihii hore ee maamulka Ximan & Xeeb Mohamed Moalin-Aden,(tiicey) oo labada casuumad ka helay dowlada Belgium-ga.

Mohamed Abdi Hassan, oo loo yaqaano Afwayne oo haatan 58-sano ayaa dhawaan shaaciyay in uu ka baxay falalka burcad badeednimada wuxuuna sanado kadib uu casuumaad ka helay dowlada dalka Belgium-ga.

Dhanka kale madaxweyinihii hore ee maamulka Ximan & Xeeb  Mudane Mohamed Moalin-Aden,(tiicey) ayaa dib loo dhigay xukun maxkamadeedkiisa kadib markii la dhageystay dacwadaha loo heysto.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here