Ciyaaryahan Aabihiisa ku Dhintay Weerarkii Magaalada Ankara

0

Kooxda Galatasaray ayaa xaqiijiyay in aabaha weeraryahanka Umut Bulut uu kamid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii ismiidaaminta ee gaariga loo adeegsaday ee ka dhacay Bartamaha Magaalada Ankara ee dalka Turky-ga..

War qoraal ah oo kasoo baxay kooxda Galatasaray ayaa lagu sheegay  in weeraryahanka heerka caalami ee xulka dalka Turky-ga Umut Bulut aabihiisa oo lagu magacaabo Kemal Bulut. In uu kamid ahaa 37-qof oo naf weysay weerarkii ka dhacay goob basaska laga raaco oo ku taalo Magaalada Ankara ee caasimada dalka Turky-ga.

“waxaan aad ugu xunahay dhibaatada soo gaartay weeraryahan Umut Bulut aabihiisa uu kamid ahaa dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay Magaalada ankara dhamaan Taageerayaasha iyo ciyaartooda tacsi ayay u dirayaan ciyaarayahanka ayaa lagu yiri war kasoo baxay kooxda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here