Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed cali Daahir oo maanta kormeer ku tagay goobihii dhawaan ay ciidamada dowlada soomaliya kasoo qabteen waxyaabaha maanka dooriya sida xashiiska iyo calaqa. Ayaa sheegay sheegay in baaritaano lagu sameyn doono waxyaabaha lasoo qabtay.
Axmed Cali Daahir ayaa ugu horeyn u mahaceliyay laamaha amniga Gobolka Banaadir gaar ahaan Ciidamada booliska kuwaasi oo ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan waxyaabaha maanka dooriya oo lagu hayay mid kamid ah guryaha ku yaala degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
“Baaritaano ayaa lagu sameyn doonaan waxyaabaha ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada dowlada soomaliya gaar ahaan kuwa booliska si loo ogaado in waxyaabaha gacanta lagu dhigay la doonayay in qaraxyo loo adeegsadao iyo in kale ayuu yiri Axmed Cali Daahir.
Dhawaan ayay aheyd markii Ciidamada amaanka dowlada Soomaliya gaar ahaan kuwa booliska Gobolka Banaadir ay gacanta ku dhigeen dhowr fuusto oo la sheegay in ay ku jireen waxyaabaha maanka dooriya sida Calaqa.

