Maxkamada Ciidama qalabka Sida ee dowlada Soomaliya ayaa maanta Xukun dil ah ku ridey rag lagu eedeeyay qaraxyadii dhawaan ka dhacay maqaaxiyo ku yaala Gudaha Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.
Gudoomiyaha Maxkamada darajada Kowaad ee Ciidamada qalabka Sida xasan Cali Shuute ayaa warbaahinta u aqriyiyay qaabkii ay maxkamada xukunka ugu ridey raga la sheegay in ay ka dambeeyeen qaraxyadii dhawaan ka dhacay Magaalada Baydhabo.
Raga ay Maxkamada ciidamada qalabka Sida ee dowlada Soomaliya maanta Xukuntay waxaa kamid ahaa Xasan aadan Mursal, C/ladhiif Macalin aadan Macalin c/raxmaan, siyaad Xasan Faarax , sharmad aawoow Maxamed ,C/rashiid ibraahim Xasan C/qaadir Cali Maxamed, C/raxmaan Macalin aadan Macalin. waxaana dhawaan gacanta kusoo dhigay Ciidamada Nabad sugida qeybta Goboka Bay.
Dhawaan ayay aheyd markii qaraxyo ismiidaamin ah ay ka dhaceen maqaaxiyo ku yaala Gudaha Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay. waxaana ku dhintay dad shacab ahaa oo maqaayadaas ku sugnaa.

