Muddo 25-sano kadib waxaa Soomaliya dib ugu soo laabtay Maroodigii ugu horeeyay, ee ka qaxay dagaaladii sokeeya ee ka qarxay Gudaha Soomaliya, horaantii sanadkii 1991-kii.
Maroodigan oo magaciisa lagu sheegay Morgan ahna lab, ayaa ka soo tallaabay xuduuda Somaliya iyo Kenya, ka dhaxeeya ka dib markii uu soo jeexay masaafo dhan 100km. sida ay sheegeen Gudiga Xaywaanaadka ee dalka Kenya.
Morgan ayaa sanadihii dambe ku nolaa Gudaha dalka Kenya isagoona soomaliya ka qaxay kadib markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee soomaliya oo majaraha u hayay Jaale Maxamed Siyaad Barre.
Maroodiga Morgan oo 30 sano jirsaday, ayaa waxaa dib u soo laabashadiisa Somaliya lagu macneeyay, in Somaliya ay ka gudubtay xilligii adkaa ee ka dhashay dagaaladii sokeeye ee dalka halakeeyay.





