Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn diyaaradeed ay ka fulisay Gobolka Hiiraan ee Bartamaha dhulka Soomaliya ay ku dishay askar lagu tababaraayay xiro ku taalo deegaanka la yiraahdo Raaso oo 120km kaga beegan Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya.
War kasoo kasoo baxay wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in dowlada Mareykanka ay duqeyn diyaaradeed ay ku dishay ku dhawaad 150-askari oo ka tirsanaa ciidamo al-shabaab oo lagu xareeyay xiro ku taala deegaanka Raaso. Oo ku taala degmada Buulo-Barde ee Gobolka Hiiraan
Xoghayaha Ciidamada Cirka Mareykanka oo Lagu Magacaabo Deborah Lee James oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xirada la duqeeyay lagu tababaraayay askar la doonayay in ay kamid noqdaan kuwa weerarada ka fuliya Magaalada Muqdisho.
“ku dhawaad 150-askari oo ka tirsanaa askarta al-shabaab ayaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ay diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen xiro ku taala deegaanka Raaso ee degmada Buulo Barde ee Gobolka Hiiraan. ayuu yiri Deborah Lee James
Al-shabaab wali kama aysan hadlin hadalka kasoo yeeray dowlada Marekanka oo ku aadan in duqeyn diyaaradeed ay ku dileen askar lagu tabaaraayay xiro ku taala degmada Buulo-barde ee Gobolka Hiiraan ee koonfurta dalka Soomaliya.

