Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhintay ka dib dagaal dhex maray laba maleeshiyo beelood oo wada daga dalka jamhuuriyada afrikada dhexe ee qaarada afrika.
Dagaalka ayaa ka dhacay magaalo ku taalo koonfurta dalka jamhuuriyada afrikada dhexe oo lagu magacaabo Bambari.
Afhayeen u hadlay booliska dalka jamhuuriyada afrikada dhexe ayaa sheegay in dagaalka uu ka bilowday ka dib dil la sheegay in loo geestay laba dhalinyaro oo kasoo jeydo qoomiyada mulimka ah .
Faustin-Archange waa madaxweynaha jamhuuriyada afrikada dhexe waxaa uu labada dhinac ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalka ay dalka ka wadaan.
Dalka jamhuuriyada afrikada dhexe oo ay ka howl galaan ciidamo ka socda QM waxaa dagaalamyo muslimiin iyo masiixiyaan wada daga dalkaasi.

