Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga oo Gaaray Magaalada Kismaayo

0

Wafdi  uu hogaaminayo wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdiraxman Yuusuf Xuseen Ceynte oo ay wehliyaan xubno ka socda Midowga Yurub ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalda Kismaayo kusoo dhaweeyay wafdi madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam axmed waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe ayaa wafdiga wasiirka kulan gaar ah kula yeeshtay xarunta madaxtooyada Maamulka Jubaland ee Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Intaas kadib madaxweynaha Maamulka Juba-land iyo wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdiraxman Yuusuf Xuseen Ceynte ayaa si wadajir ah saxaafada ula hadlay.

Ugu horenytii  wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdiraxman Yuusuf Xuseen Ceynte  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muhiimada Magaalada kismaayo ay u imaadeen ay tahay in mashaariic kala duwan in ka hirgaliyaan Magaalada kismaayo.

Dhanka kale Wasiirka Waxbarshada Soomaaliya Qadro Bashiir Cali oo qeyb ka aheyd wafdiga maanta Gaaray Magaalada kismaayo ayaa sheegtay in muhiimada ay Magaalada u gaareen ay tahay sidii loogu hirgalin lahaa iskuulo lacag la’aan ah. Iyadoona dhagax dhigtay xarun cusub oo iskuul ah oo laga dhisaayo Magaalada Kismaayo.

Ugu danbayntii Madaxweyne  Axmed Maxamed Islaam oo goobta ka hadlay ayaa ugu mahadceliyey Midowga Yurub iyo dawladda federaalka howshan ay doonayaan inay hirgaliyaan waxaana uu ku  dheeraaday arimaha wax barashada Jubaland iyo muhiimadda ay leedahay, isagoona kubooriyay bulshada reer Jubaland in bulsho walbo oo wax barata ay tahay midda horumarka iyo wax wada qabsi samaysa,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here