Sheekh Maxamed Siciid Atam oo Dowladda Somaliya isku soo dhiibay Bishii June ee sanadkii 2014, ayaa Magangalyo ka helay dalka dowlada Qatar.
Isagoo wareysi siiyay Tv-ga Universal xaruntiisa dalka Qatar ayuu sheegay Sheekh Maxamed Siciid Atam isku soo dhiibistiisa dowlada soomaliya ay ka dambeysay kadib markii uu heshiis la galay dowlada dhexe ee soomaliya.
“aniga ma ahi nin dambiile ah ee waxaan ahay nin ku yimid heshiis ayuu yiri Sheekh Maxamed Siciid Atam oo wareysi siiyay Universal Tv.
“Culeysyo badan ayaa i hayay, hadii ay ahaan laheyd mid dibada ah oo ragga aan isla joognay hal god ku wada jirnay iyo culeys gudaha iga heystay, nin col ku dhex jira ayaa ahaa, ayu hadalkiisa ku daray sheikh Maxamed Saciid Atam.
Sheekh Maxamed Siciid Atam oo kamid ahaa hogaamiyaashii al-shabaab ee ku sugnaa buuraha galgala ee deeganada maamulka Puntland ayaa sheegay in uu marar badan raadiyay in uu dowlada soomaliya kusoo biiro uuna heshiis la galo balse ay u suurta gali weysay.
Dhawaan ayay aheyd markii isaga iyo ciidamo la socday ay isku soo dhiibeen Maamulka Puntland wuxuuna soo dhaweyn ka helay madaxweynaha maamulka Puntland dr C/wali maxamed Cali Gaas.

